XIKMAD KU SAABSAN NIN SHAQO DOON AHAA





Noqo qof wanaagsan balse waqti badan haku luminin 

in aa dadka ka dhaadhiciso in aad tahay qof wanagsan ..

Berigii somaalidu usafri jirtay sucuudiga oo loo yaqiin janaalayaasha ayaa oday reer baadiye uga yimid 

magaalada la keenay , isla markiina tikit loogu jaray sucuudiga ayaa wuxuu tagay magaalada jidda :

dadkii lasocday waxay u geeyeen dad ay qaraabno ahayeen , habeenkii ugu horeeye markii uu soo 

qabeestay oo casho lasiiyay ayuu raggii gurriga daganaa u sheegay in eey shaqo usoo raadiyaan ,

balse wexee ku dhaheen adeer shaqada masahlana adigana af-carabiga mataqaanid marka wax yar iska \

joog inta aad luqada ka baraneeso .annagaa waxaa cunto iyo meel aad seexato damaannad  qaadeyno , 

wuxuu ugu jawaabay aniga majoogi kari waayo xoolihii kud ayaa iga laayay , caruutii oo abaari heeso 

waaka soo tagay marka si dag daga shaqo haleeygu raadsho . inta aay haye dhaheeyn  ayaay 

subaxkasta hurdada ka soo toosaan shaqadooda aadaan , odaygiina guriga ayuu iska dhex fadhiyaa 

habeenkii markii aay soo naqdeyn mid kasto asiga oo daalan ayay iska seexdeen subaxdii daambe 

intee labisteen ayee shaqadii aadeyn , odaygiina intuu labistay ayuu kadaba baxay ,wuxuu sii 

maqnaadaba waxay yimaadeen guriga oo cidlo ah ,odaygiine maqan yahay . ayagoo wal walsan 

ayuu halmar albaabka soo gar garaacay waa laga furay waxeey ku dhaheen adeer intee ku maqneed ?

wuxuu ku yiri shaqo ayaan raadsaday waxay mar labaad weydiiyeen adeer maba taqaanidee 

sidee dadka isku fahanteyn ? wuxuu ku yiri maandhoyeskow ,, shan faroole isma afkasi waayo !

odaygii meel dhismo kasocdo ayuu shaqo ka doonay shaqadiina wuu helay ..

haddaba xikmada sheekada ku jirta waxay tahay weligaa waxaad rabto raadso qof kale haka sugin i

isku kalsoonaaw ,, ogaawna qofkii la yimaado doonis dhab ah maqasaaro ,,

Comments

Popular posts from this blog

Ha is Dhiibin Hana Quusanin

7 sheey oo isku beddeli doonto noloshaada Hadii aad sameeso

Sheikh Mustafa Wuxuu Yiri :